Hal arrin oo shalay caqabad ku noqotay dadwaynaha Dhuusamareeb oo dib u eegis u baahan

0

(Dhuusamareeb) 29 Feb 2020 – Waxaa ugu dambayn soo afjarmay dagaal koobnaa oo habeen hore ka bilowday magaalada Dhuusamareeb, kaasoo u dhexeeya rag ka haray maamulkii ASWJ iyo Ciidamada Dowladda Somalia.

Dagaalka ayaa haatan dhamaaday kaddib markii ay ugu dambayn is dhiibeen madaxdii ASWJ oo hubkoodiina ku wareejiyey Xoogga DF Somalia.

Yeelkeede, maadaama uu dagaalku ka dhacay Xarunta INJI waxaa ka dhalatay arrin keentay dhibaato farsamo, taasoo ah in isbitaalladii magaaladuna ay aaggaa ku yaalleen, taasoo sabab u noqotay in dad badan oo dhaawac ah la gayn kari waayey isbitaallada.

”Dad ayaa dhiig bax u dhintay, iyadoo la badbaadin karey maadaama uu dagaalku ka socdey meel ku dhow isbitaallada.” ayuu yiri Cabdinuur oo ka mid ah dhallinyarada Dhuusamareeb oo Hadalsame la hadlay.

Arrintan ayaa waxay keentay in la dareemo hal arrin oo la xiriirta qorshe xumo ku aaddan inay wanaagsanayd welina fiican tahay in isbitaallada, ama ugu yaraan qaarkood laga dhiso meel gees ka ah magaalada.

Marka dagaal iyo colaadba laga soo tago, inay isbitaalladu ku yaallaan meelo ka yara baxsan buuqa bartamaha magaalada waxaa ku jirta faa’iido niyadeed oo aad u wayn.

Hadalsame Media