(Jabuuti) 29 Feb 2020 – Waxaa soo dhamaaday shir looga hadlayo hannaanka isu socodka dadyoowga iyo badeecooyinka dalalka ku jira IGAD.
”Shirkaan oo socday mudo 3 maalmood ah ayaa lagu ansixinayey nuqulkii horey la iskugu raacay oo wadatashigiisa iyo wadaxaajoodkiisu soo socday muddo sadex sanno ah , waxaana si rasmi ah u furay Shirka Ra’isul wasaaraha wadanka Sudan.
Wafdiga Soomaaliya uga qeyb galay shirka oo uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Gudaha Md, Maxamed Abukar Islow (Ducale) ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada Md, Sadiiq Warfaa, Safiirka u fadhiya Soomaaliya Xarunya Urur Goboleedka IGAD ee Djibouti Danjire, Maxamed Cali iyo Quburadii qeybta ka ahaa wadaxaajoodka waxaa lagu soo bandhigay dukumeenti ka kooban 3 nuqul oo kala ah;
1. Nuqul lagu mideeyey xog ururin shuruucda saameynta ku leh hirgelinta protocolka oo hore looga sameeyey wadamada IGAD, wadan walbana waxaa fursad loo siiyey inuu ka saxo wixii ka qaldan warbixintooda kadibna waa la ansixiyey.
2. Qariiradda (ROAD MAP) lagu hirgalinayo protokolka oo waqtiyeysan.
-Qariiradan lagu hirgalinayo protokolka oo dood badan dhalisay iyo meelo kala duwan oo ay wadamadu ka fiirinayeen, ayaa quburadii Soomaaliya waxay soo bandhigeen qodobadii ka soo baxay shirkii wadatashiga Qaran 2017 oo lagama maarmaan ka dhigtay in la dhamaystiro ka hor hirgelinta Protocolka, waxyaabihii ka qabsoomay sida horumarka dowladda Soomaaliya ay ka samaysay hirgelinta bar-xaduudeedyada iyo fududeynta dal-ku-galka iyo caqabadaha jira oo ay ka mid tahay wadashaqeyn la’aan dhanka xaduudaha qaar ka mid ah wadamada dariska ah. Dood dheer ka dib waxaa la isku raacay in dib loo dhigo wada xaajood dheeraad ahna laga yeesho.
3. Nuqulka sadexaad oo protocolka isaga wax dood ah kama jirin waxaana si wadajir ah u ansixiyey wasiirada Amniga iyo shaqadda wadamada IGAD, waxaana shirka oo ku soo gebagaboobay jawi wanaagsan soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha wadanka Sudan.
Hadalsame Media