WHO oo ka hadashay awoodda ay Somalia u leedahay la xaalidda curudka corona (Arag boqolleeyda)

0

(Hadalsame) 28 Feb 2020 – Waxaa dunida si wayn u xulaya cudurka corona oo iminka gaarey dalalkii ugu badnaa, tan iyo markii uu dabayaaqadii sanadkii tegey uu ka curtay dalka Shiinaha.

Cudurkan oo iminka wada camimay qaaraadka dunida oo idil ayaa waxaa ugu roon qaaradda Afrika oo ilaa iminka laga soo sheegay kiisas aad u yar marka la eego qarada dhulka ay ku fadhido, waana dalal ay ka mid yihiin Masar, Itoobiya iyo Aljeeriya.

Haddaba, hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa soo saartay awoodda is diyaarin ee dalal ay Somalia ka mid tahay ay kaga hortegi karaan haddii, ALLE naguma keenee, uu cudurkani ka dillaaco.

Dalalkaas oo kala ah Somalia, Suuriya, Ciraaq, Yaman iyo Libya ayaa la sheegay in 20% oo qura ay diyaar u yihiin inay cudurka la xaalaan.

Gaar ahaan marka la eego Somalia oo kale, dad badan ayaaba qaba in aanay diyaar ahayn xitaa 20%, marka la eego in aanu jirin hannaan caafimaad oo wax ku ool ah iyo tas-hiilaadyo kale sida raasumaal dad iyo xirfadlayaal caafimaad oo wax wayn qaban kara.

Wasiiradda Isboortiga DF Somalia ayaa maalin dhowayd xitaa diiddey in heer-kulkeeda la baaro, taasoo walaac gelisey Soomaali badan oo dareensan inay tani kaftan gelinayso nolosha umadda Soomaaliyeed ee ay Wasiiraddu mas’uulka u tahay, iyagoo DF ugu baaqay in tillaabo laga qaado.

Hadalsame Media