DHEGEYSO: ”Maxaa idinka galay!” – Shiinaha & Sweden oo ay ka tafatay iyo waxa la isku hayo

0

(Nigngbo City) 25 Feb 2020 – Qoraaga Gui Minhai oo horraanba muddo 5 sanadood ah u xirnaa dowladda Shiinaha ahna muwaadin Iswiidhish ah ayaa iminka gorodda loo geliyey xukun 10 sanadood oo xabsi ah.

Shalaytoole ayay maxkamad ku taalla Ningbo City, oo ka baxsan magaalada Shanghai, waxay ku xukuntay 10 sanadood oo xarig ah, waxaana xukunkiisa loo cuskaday inuu sirta qaranka Shiinaha u dusiyey awoodo shisheeye.

Wasiir Dibadeedka Sweden, Ann Linde, ayaa Shiinaha u jeedisey inay sii daayaan Minhai, maadaama uu haysto dhalashada Iswiidhishka, mar ay u warrantay P1-morgon.

– Waxaannu dalbanaynaa in lasii daayo Gui Minhai si uu ula kulmo gabadhiisa iyo qoyskiisa, waxaan sidoo kale dalbanaynaa in aannu galaangal u yeelanno Minhai si aannu u siinno talooyinka uu xaqa u leeyahay ka muwaadin ahaan annagoo xogaha ka heleyna ilaha rasmiga ah oo dhan, ayay Ann Linde u sheegtay P1-morgon.

Yeelkeede, Garsooraha maxkamadda xarigga u jartay Gui Minhai, ayaa sheegtay in uu ninkani ahaan jirey muwaadin Iswiidhish ah, balse uu dib u qaatay dhalashada Chinese-ka sanaddii 2018-kii, tiiyoo ay jirto in aan Shiinaha laga ogolayn in uu qofku yeesho laba dhalasho. Haddaba maxay Iswiidhan kiiskan ka gashaa? Wasiiradda Markale.

–Waxaannu adeegsan doonnaa dhamaanba hilinnada aannu heli karno, warkanina waa mid aannu ka shaqaynayno tan iyo aroornimada berri subax, ayay raacisay Linde.

Gui Minhai oo bilowgii buugaag iyo suugaan ka soo horjeeda nidaamka Beijing ku daabici jirey Hong Kong oo ah ismaamul hoos taga Shiinaha ayaa 2015-kii waxay sirdoonka Shiinuhu ka afduubteen dalka Thailand, isagoo wixii intaa ka dambeeyay ku xirnaa dalkaasi Shiinaha.

Hadalsame Media