Ruushka oo ku dhawaaqay inuu basaasayo hawada Turkiga, sababta

0

(Moscow) 24 Feb 2020 – Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa goor dhow ku dhawaaqday inay duullimaadyo xog raadin ah oo dhanka cirka ah ku samayn doonto hawada Turkiga inta u dhaxaysa Febraayo 25-28, taasoo qayb ka ah Heshiiska Hawada Furan.

Sida uu sheegay Madaxa Hay’adda Yaraynta Halista Nukliyeerka, Sergei Ryzhkov, wuxuu Ruushka oo adeegsanaya dayuuradaha wax basaasa ee TU-154M-LK-1 uu kuur geli doonaa dalka Turkiga isagoo ka faa’iidaysanaya heshiiska Open Skies Treaty, sida ay sheegtay wakaaladda Sputnik.

Duullimaadka ayaa loo badinayaa inuu ka bilaaban doono garoon ku yaallla Eskişehir isagoo dabooli doona masaafo dhan 1,900 km.

Heshiiska Hawada Furan oo la saxiixay 1992-kii, ayay wufuuddii ku sugnayd Helsinki, oo 35 dal ka koobnayd waxay isku raaceen in dal kasta oo ka mid ihi uu xaq u leeyahay inuu kan kale ku sameeyo basaasid la isla ogol yahay oo aan hubaysnayn oo dhanka hawada ah si uu u arko xogaha ku saabsan ciidamada iyo howlaha ay wadaan.

Hadalsame Media