Ujeedka Itoobiya & aqli xumada Soomaalida (Danta ku hoos jirta wefdiga uu Abiy Ahmed Hargaysa u diray)

0

(Hargaysa) 19 Feb 2020 – Wefdi Ethiopian ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dalkaasi Axmed Shiddo ayaa la sheegayaa inay ka degeen magaalada Hargaysa.

Booqashadan ayaa la sheegayaa inay tahay mid uu dabada ka riixayo RW Abiy Ahmed oo doonaya inuu door muuqda ka galo wax lagu sheegay dhexdhexaadinta DF Somalia iyo maamulka Somaliland iyo xitaa booqasho uu halkaa ku tago MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo.

Shiddo ayaa maanta xilligii duhurkii ka degen magaalada waxaana lagu wadaa inuu wada hadal la yeesho hoggaanka Somaliland, mase cadda inuu la kulmayo MW Biixi iyo in kale.

Imaanshiyaha Shiddo ayaa daba socota wararka sheegaya inuu halkaa booqasho taariikhi ah ku tegi doono MW Farmaajo, taasoo uu shalay diidey Md Biixi, isagoo shuruud ka dhigay in aqoonsado goosadkii ay Somaliland ku dhawaaqday 18-kii Maajo 1991-kii.

Muuse ayaa sheegay inay jiraan dalal badan oo soo codsaday dhexdhexaadinta DF Somalia iyo maamulka Somaliland, sida Sweden iyo Switzerland.

Ha yeeshee, Ethiopia oo saamayn badan ku leh siyaasadda tafaraaruqa ku dhisan ee Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan Somaliland ayaa doonaysa inay iyadu qaadato doorka kala qalitaanka Soomaalida.

Ethiopia ayaa sidoo kale saami dhan 19% ku leh dekedda Berbera Port taasoo la seegay in 30-sanadood laga kireeyay DP World oo ay leedahay Dowladda Imaaraadku.

Dad badan ayaa qaba in dhexdhexaadin kasta oo ay Itoobiya lug ku leedahay ay kaliya ku dhisnaan doonto waxa u roon danaha Itoobiya oo qura, iyadoo ay waxgaradka Soomaalidu qabaan in ay khalad tahay in 30 sano ay Soomaalidu sidaa u kala taagnaato, balse loo baahan yahay in ay iyagu wada hadlaan ama uu wada hadashiiyo dal aan ka lahayn dan siyaasad-dhuleed ama mid siyaasad-juqraafi, sida Itoobiya ama Kenya.

Warar uu Hadalsame Media ka helayo kayballo diblomaasi ah ayaa xitaa sheegaya in Itoobiya ay ugu yaraan doonaysa inay saldhig badeed ka doonayso woqooyiga Somalia, amaba ay doonayso inay Somalia ku dirqiso nidaam confederaal ah oo ay muddo ku taamaysey.

Hadalsame Media