XOG: Xukuumadda Somaliland oo go’aan ka qaadatay imaanshaha la hadal hayo ee MW Somalia ee Hargaysa

0

(Hargaysa) 16 Feb 2020 – War aan la xaqiijin karin oo ka imanaya dhanka Hargaysa ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay warqad rasmi ah u dirtay Dowladda Ethiopia.

Xukuumadda ayaa warqaddaas ku muujisay in aanay sida la yiri ”ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaado caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Warqaddan ayaa nuxur ahaan xambaarsan in Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, la dareensiiyo in aanay Somaliland diyaar u hayn in ay Hargeysa kusoo dhowayso MW Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ilo wareedyo halkaa ku dhow ayaa sheegaya in dhambaalkan xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda Somaliland isla maantaba la gaarsiiyay Wasaarad Dibadeedka Dalka Ethiopia.

Warku wuxuu intaa raacinayaa in MW Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu todobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli doono si uu faahfaahina uga bixiyo kulamadii uu madaxda kula qaatay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala geddisan uga falcelinaya warkan oo maanta aad u hafinaya warbaahinta Soomaalida.

Hadalsame Media