MW Galmudug oo booqasho ku tegey xarumada ciidamada ku sugan Galmudug, ujeedka + Sawirro

0

(Dhuusamareeb) 16 Feb 2020 – Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug ee dhowaan la doortay, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta booqdey xarumaha ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ugu horreeyn lagu soo warramayaa inuu booqdey xarunta ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan qaybta 21-aad.

Madaxweynaha ayaa halkaa wuxuu warbixin uga dhegeystey Taliyayaasha Ciidamada halkaa saldhigta.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ciidamada kula dardaarmey inay dardargeliyaan howlaha ay u hayaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan dowlad goboleedka Galmudug.

Hadalsame Media