(Muqdisho) 16 Feb 2020 – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar dhow dib u dhisay isla markaana furay xaruntii Baadi Qabadka Muqdisho.
Arrintan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dib loogu howlgelinayo hay’aadkii dowladeed, heer dhexe iyo heer hoose intaba.
Waxaa durba xaruntaa lagu xareeyay xoolo dhex wareegayey magaalada Muqdisho, kuwaas oo lasoo sawiray iyagoo ku xaraysan xarunta.
Yeelkeede, waxaa sawirrada ka muuqata hal arrin oo cuqubo lagu mutaysan karo (waa haddii aanay jirin wax naga qarsan), waana in aanu meesha oollin biyo iyo baad ama xitaa meel ku filan oo ay xoolahaasi harsadaan.
Dad badan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir usoo jeediyey inay xoolahan u diyaariyaan calaf ay cunaan inta ay meesha ku jiraan maadaama dadwaynaha canshuur laga qaado, haddii kale ay iska daayaan inta ay taa ka qorshaynayaan.
Cuqubada laga qaado ma yeeraanka ama bahaahinka ayaa ah mid aad u daran adduun iyo aakhiro.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media