(Kismaayo) 16 Feb 2020 – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee caasimadda gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inay halkaa ilaa shalay heehaabeysey dayuurad wayn oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanku.
Diyaaraddan oo ah kuwa wax duqeeya ee aadka u qarada wayn ee B-52 ayaa la sheegay inay dhowr jeer ku dul wareegaalaysatey magaalada.
Dadka maxalliga ah ee magaalada ayaa sawirro ka qaaday dayuuraddan oo aan nooceeda looga baran inay kusoo dhowaato Kismaayo.
Arrintan oo aan si saaxi ah wax war ah oo rasmi ah looga helin maamulka Jubbaland iyo Maraykanka midna, ayay dadku fasiraado kala geddisan ka bixinayaan.
Qaar baa sheegaya inay dayuuraddani indha indhaynayso duqaymo ay ka samayso goobaha ay Shabaabku ka joogaan gobolka, iyadoo aad uga saamayn wayn daroonnada halkaa duqaymaha ka gaysta.
Wararku waxay intaa raacinayaan in uu socdo qorshe ballaaran oo ah weerar dhinacyo badan lagaga qaadayo kooxda Al Shabaab.
Hadalsame Media