(Stockholm) 14 Feb 2020 – Wakaaladda socdaalka ayaa boggeeda ku qortay maqaal ey ku shaacineeyso iney diidmo ku heleen dalabaadkoodii dhalashada dalka muddo bil gudaheed ah 126 qof, middaasina ugu wacan tahay in aaney soo buuxin shuruudihii looga baahnaa.
Halkan ka dhegeyso…
Shuruudaha aan buuxin ayaa ah in aaney heeysan dadkaasi sharcigii deggenaansho ee joogtada ahaa, sida ay sheegtay Marie Wärn, ahna sarkaalad ka howlgasha waaxda dhalsho bixinta ee wakaaladda, mar ay warreeysi siisay laanta afka soomaaliga ee Raadiyaha Sweden:
– Waxaa noo caddaatay iney dadka qaarkii noo soo diraan dalabaadyadooda iyaga oo aan heeysan deggenaansho joogto ah, midkaasina oo aan markiiba diidmo ku siinno markii uu na soo gaaro dalabkaasi, sida ay sheegtay Marie Wärn. Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay in sida sharcigu qabo loo baahan yahay in dhammaan la soo buuxiyo shuruudaha qaadashada muwaadinnimo.
– Haddii aanu qofku heeysan deggenaanshaha joogtada ah aanu buuxineeyn dhammaan shuruudihii looga baahnaa, sidaa daraadeedna aannu ku diidnaa, sida ay sheegtay.
Shuruudaha loo baahan yahay:
• Inaad jinsiyaddaada caddeeyn karto
• Aad buuxisay 18 sannadood
• Aad haysato deggenaansho joogto ah ama
• Aad sharci ku joogto, haysato kaar sharci (waxaa laga hadleyaa muwaadiniinta waddammada EU ama aad tahay qaraabo muwaadin EU ah)
• Aad buuxisay shuruuddii muddada aad dalka deggenayd (muddo mucayin ah aad dalka deggenayd)
• Aad ku noolayd nolol dhowrsan (dembi aadan gelin, diiwaanka madow ee deeymahana aadan marin).
– Waana mid aannu ka xunnahey in dalabka la soo gudbisto iyada oo aan la buuxin dhammaan shuruudihii, intaa waxaa dheer in qidmad la isaga qaado marka dalabka la gudbisanaya, midkaasina oo aan dib loo soo celin kolka diidmo la helo sida ay sheegtay Marie Wärn.
Maxaa ugu wacan haddaba in dalabaadka la soo gudbisto iyada oo aan shuruudihii la buuxin?
– Dalabaadka oo badan iyo muddo safka lagu jiro ayaa ugu wacnaan karta in lagu fekero inta aan sugeyo ayaan heli doonaa sharciga deggenaanshaha joogtada ah ayaa dhici karta in lagu fekero. Inay xeelad ka tahay ayaa dhici karta, laakiin jawaab dhab ah kama heeyno, iyo inay aqoon darro ka tahay, sida ay sheegtay Maria Wärn.
– Ugu dambeeyntii Marie Wärn ayaa sheegtay inay wanaagsan tahay in dalabka la soo gudbisto kolka shuruudaha dhammaantood la soo buuxiyo, haddii kale ay mar walba jirto halista in aannu si toos ah diidmo uga siinno marka ay na soo gaartaba.
Xigasho: Radio Sweden
Hadalsame Media