Maxaa ka cusub kiiska ragga lagu helay dilkii Caa’isha Ilyaas? (Wararkii u dambeeyay)

0

(Garoowe) 10 Feb 2020 – Maalinta berri ah, 11-ka Febraayo, oo ku beegan berri oo Talaado ah, waxay ku muddaysan tahay marka ay  Xeer ilaalinta Puntland ku dhawaaqday in la toogan doono saddexda nin ee lagu helay kiiskii dilkii naxariis darrada ahaa ee Caa’isha Ilyaas.

Waxay ku beegnayd 12-kii bishii Jannaayo ee tagtay, goorta uu xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland, Maxamuud Xassan Aw-Cismaan uu si rasmi ah u muddeeyay inay tahay aminta dilka qisaasta ah lagu fulinayo raggan ku xukuman dilka.

Waxay ragga dembiga lagu helay ay kala yihiin: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, kuwaasoo gabadha saqiirta ah kufsaday kaddibna si xun u diley.

Wararka ku dhow kiiskan ayaa sheegaya in lagu wado inay qisaastu u dhacdo sidii loo qorsheeyay oo aanu jirin dib u dhac iyo marmarsiinyo dambe.

Waxay qisadan oo aad u damqisay dareenka dadka Soomaaliyeed ay Gaalkacyo ka dhacday bishii Febraayo ee 2019-kii, waxaana haatan laga joogaa muddo sanad ah.

Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal ayaa raggan dil toogasho ah ku xukuntay 12-kii Maajo 2019-kii, waxaana xukunkaa rajaxdey ama ku raacday Maxkamadda Rafcaanka 30-kii Juun 2019-kii.

Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-jir, ayaa xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo waxaa lagu waayey 24-kii Febraayo 2019 kaddib markii ay hooyadeed adeeg u dirsatay, kaasoo aanay abid kasoo laaban.

Hadalsame Media