(Barcelona) 06 Feb 2020 – Fiidnimadii Talaadadii Eric Abidal, Maareeyaha Ciyaaraha ee Barca, ayaa waraysi uu siiyey Sport ku sheegay war uu aad uga caroodey Leo Messi oo ahaa in qaar ka mid ah laacibiinta Barcelona aysan “ku qanacsanayn” macallin Ernesto Valverde, taasoo keentay “inay hagradaan”.
Hagartaa la sheegay wuxuu Messi, oo ah awoodda ugu wayn qolka lebbisku u qaatay mid lagu durayo qiyamkiisa, laguna saarayo guud ahaanba mas’uuliyadda waxa khaldan.
Messi 90 daqiiqo ayay ku qaadatay inuu arrintaa ka falceliyo.
Bogga Messi ee Instagram waxaa goobaabo cas la geliyey xigashadan: “Laacibiin badani ma qanacsanayn, sidii la rabayna uma shaqaynin (ciyaarin).”
Messi ayaa Abidal ka dalbaday inuu caddeeyo laacibiinta “beleeynaysa” kuwa kale oo uu magacyadooda sheego.
Si kastaba, dhaawac ayaa gaarey xiriirkii labada dhinac, waxaana ka dhashay cabsidii abid ugu waynayd oo ah: In Messi tegayo.
Messi oo uu qandaraaskiisa ku xiran yahay shardi ah inuu tegi karo marka uu fasalku dhamaado – weliba si bilaash ah ayaan ku qanacsanayn in aanu 5 sanadood arag koobka CL, isla markaana ay Barca ku fashilantay inay koox adag dhisto, taasoo la is waydiinayo inuu laftiisu sabab u yahay iyo in kale.
Si kastaba, waxaa 32-jirkan durba saf usoo galay kooxaha Man City, Man Utd, Inter, Juventus iyo PSG, iyadoo uu Lionel Messi, ka socdo Barcelona dhamaadka xilligan, sida uu ku doodayo La Gazetta dello Sport.
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media