Arag halka ay markale iska qardoofeen Somalia-Kenya (Doorka ay KDF ka gaysteen soo celinta Janan)

0

(Beled Xaawo) 06 Feb 2020 – Somalia ayaa aad uga xumaatay wax ay ku sheegtay faragelin siyaasadeed iyo mid amni oo ay Kenya ka waddo Jubbaland, kaddib markii la sheegay inay Kenya dayuurad kusoo qaadday ninka la doonayo ee Cabdirashid Janan.

DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey ka hadashay sida ay Kenya ka mid ahaanshaha AMISOM ugu adeegsanayso danaha gurracan ee ay ka leedahay Somalia, taasoo ay sheegtay inaysan ”aqbali doonin.”

SIDEE WAX U DHECEEN?

Ciidamada KDF ayaa la sheegay in ay Janan Beled Xaawo ku keeneen dayuurad ciidan oo ah kuwa qumaatiga u duula.

Janan ayaa la sheegay inay dayuuraddu keentay meel u muuqata Buulo Xaawo Isniintii, kahor intii aanu dub uga cararin halkaa oo ay DF u dirtay ciidamo dheeraad ah.

Wuxuu deeto Talaadadii ku laabtay magaalada Mandheera ee ay Kenya ka taliso, isagoo deeto xad beenaadka ka gooyey dhanka Ceel Waaq, halkaasoo uu kula kulmay odayaal dhowr ah.

DF Somalia ayaa ciidamo ka badan 200 oo askari u daabushay Beled Xaawo oo xadka ku taalla oo ay soo dhoweeyeen dadwaynaha magaaladu, iyagoo kuwo kale oo Muqdisho laga soo diray geeyay magaalada Baardheere.

Keyna ayaa iskeed u xumaysay xiriirka kala dhexeeya dalkeenna Somalia, oo ay haatan tahay dalka qura ee Afrikaan ah oo faragelin muuqata ku eedaysan, kahor intii aan Oktoobar lagu heshiin in xiriirka la caadiyeeyo.

Hadalsame Media