(Stockholm) 05 Feb 2020 – Philips, waa wiil 28-jir ah, oo ay waalidkii Sweden kasoo galeen dhanka Vietnamn dhamaadkii dagaalkii Vietnam.
Wuxuu ku nool yahay Sollentuna horayna marna ulama soo kulmin wax cunsuriyad ah oo u muuqda sida midka loogu marmarsoonayo cudurka coronavirus – tiiyoo ay Sweden hal kiis uun la kulantay.
Wuxuu sheegay inay dadku ku dhaygagaan marka ay arkaan, maadaama uu leeyahay muuqaal ”indha yar”, isla markaana uu dareemo in si duwan loola dhaqmo marka uu galo hannaanka tareemada dhulka hoostiisa mara ee Stockholm (tunnelbanan).
”Dadku waa iga cabsadaan waxayna bilaabaan inay ka cararaan meesha aan joogo. Waa wax laga yara xumaado.” ayuu yiri.
Philip wuxuu sheegay in ay dadku afka qabsadaan marka ay ag marayaan, goorta ay arkaan inuu Eeshiyaan yahay, isla markiina uu arko qaybta uu joogo oo maran.
”Malaha waan ka yara badbadinayaa ama aad baan uga fikirayaa, balse waxay u muuqataa in aanu qofna doonayn inuu agtayda fariisto. Sidee ku dhici kartaa in meelaha kale oo dhami buuxaan marka agtayda laga reebo.” ayuu is waydiiyey.
Wuxuu sheegay inuu haweenay waydiiyay sababta ay isha ugu gubayso, iyaduna ay ku celisey inay waydiiso inuu Shiinaha ka yimid iyo in kale.
Hadalsame Media