Ciidamada Turkiga & kuwa Suuriya oo qarka u saaran inay dagaallamaan (Waqti la isu qabtay)

0

(Ankara) 05 Feb 2020 – Ciidamada Suuriya ee ku sugan Idlib ayaa loo jeediyay inay ka baxaan baraha ay wax ka eegaan ciidamada Turkigu dhamaafdka bishan, sida uu sheegay MW Tayyip Recep Erdogan, oo ka digey in haddii ay sidaa yeeli waayaan ay Ankara xoog u adeegsan doonto inay dib u riixdo.

MW Erdogan ayaa hadlayey kaddib markii ay 8 askari oo ka tirsan kuwa Turkigu ay ku dhinteen duqayn ay u gaysteen ciidamada Suuriya, taasoo soo dedejisey jawaab ciidan oo ay Turkigu bixiyaan, iyadoo uu Erdogan xaqiijiyey in laba barood oo ay joogaan ciidamada Turkigu ay haatan go’doonsan yihiin.

“Haddii taliska Suuriya uusan dib uga guran baraha ay joogaan Turkigu bisha Febraayo, Turkigu waxay ku khasban yihiin inay arrintan faraha la galaan,” ayuu ku gooddiyey Erdogan oo xubnaha xisbigiisa kula hadlayey Baarlamanka.

“Ciidamada cirka iyo kuwa dhulka ee Turkey waxay si furan u gaari karaan meelaha ay howlgalladu ka socdaan ee Suuriya oo dhan iyo Idlib, tillaabana waa qaadayaan haddii loo baahdo,” ayuu daba dhigay.

Turkey, oo taageera kooxo badan oo ku kacsan dowladda Dimishiq, ayaa 12 barood ku leh Idlib, taasoo qayb ka ah heshiis uu la galay Ruushka 2018-kii, kaasoo ah dalka ugu wayn ee taageera taliska Bashar al-Assad.

Hadalsame Media