(Muqdisho) 01 Feb 2020 – Xilli berri lagu wado inay Dhuusamareeb ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha iyo Xigeenka Maamulka Galmudug, ayuu Maraykanku war kasoo saaray.
War kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, gaar ahaanna toos uga yimid Danjire Donald Yamamoto, isla markaana lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa u dhignaa sidatan:
Amb Yamamoto &
Waxay si dhow ula socdaan geeddi socodka #Galmudug. Waxaannu qof kasta ugu baaqaynaa inuu iska jiro inuu ku hanjabo gacan ka hadal isla markaana uu sii wado ka qayb galka wada xaajood nabadeed. #Somalia
Warkan ayaa imanaya xilli ay ASWJ digniin u dirtay Ciidamada AMISOM ee sugaya amaanka doorashada oo ay u sheegeen inay faraha kala baxaan arrimaha ka dhexeeya DF Somalia iyo ASWJ, sida ay sheegeen.
Amb Yamamoto & @US2Somalia are closely watching the process in #Galmudug. We call for everyone to refrain threats of violence & continue to participate in peaceful dialogue. #Somalia
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 1, 2020
Hadalsame Media