(Kismaayo) 01 Feb 2020 – Waxaa taagan arrin fadeexad oo kale ah kaddib markii la sheegay inuu ”dowladda ka baxsaday” Wasiirkii Amniga Jubbaland, kaasoo safar dhanka badda ah oo barmuudays ah doonyo badana la isku bedelayey ku galay magaalada Kismaayo.
Ninkan oo lagu magacaabo, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaysan DF Somalia, weli wax tafaasiil ah oo loo qaateen ah kasoo saarin sida uu u baxsaday iyo cidda ku gacan siisay.
Yeelkeede, xildhibaan goboleedka, Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, oo BBC-da laanteeda af Soomaaliga u warramay ayaa ka dhawaajiyey inuu ninkani ku xanuunsaday gudaha xabsiga.
“Wuxuu noo sheegay intii uu xabsiga ku jiray inuu ku xanuunsaday, oo uu ku dhawacay cudur ”Kaduudiye” la yiraahdo, uu dhanka lugaha kaga dhacay, laakiin sidiisa kale caafimaadkiisu wuu fiicnaa, balse waxaa ka muuqday dhafar iyo soo jeed badan.” ayuu Coley u sheegay BBC Somali.
Xildhibaanka ayaa intaa raaciyey in markiiba loola cararay Isbitaal ay maamusho AMISOM (Kenya), kaddibna markii woxoogaa dawooyin ah la siiyey loo qalqaaliyey in Nairobi loo dhaadhiciyo si uu ”halkaa ugu soo nasto”, waqti xaadirkanna uu Nairobi joogo. Waxaa lagu wadaa inuu ka hadlo wixii dhacay.
Arrintan dambe ayaa muujinaysa in AMISOM ay ku milantay siyaasaddii maxalliga ahayd ee dalka, taasoo kasoo horjeedda sharciyadda ay dalka ku joogto oo ah nabad ilaalin iyo kaalinta DF Somalia.
Kenya ayaa Somalia ka wadda siyaasad ka dhan ah midnimada iyo dib u heshiisiinta Somalia, iyadoo si madmadow ku jiro ugu biirtay AMISOM, si ay u fuliso daneheeda qaran oo ku dhisan qaybinta Somalia.
Hadalsame Media