Itoobiya oo markii ugu horreeysey qiratay inay ku dhibban tahay arrin ay Somalia usoo gudbisey!

0

(Addis Ababa) 30 Jan 2020 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Berhanu Tsegaye, ayaa ku dooday in xafiiskiisu uu ku guul darraystay inuu cadaaladda hor keeno wax ka badan 1400 eedaysane, iskaashi la’aanta dowlad-goboleedyada iyo maamullada caasimadaha dartood.

Tsegaye oo Aqalka Wakiillada u gudbinayey warbixin nus-sanadka, wuxuu sheegay inay tahli kari waayeen inay sharciga hor keenaan wax ka badan 1400 ka mid ah 3,000 oo eedaysane, kuwaasoo loo haysto rabshadihii ka dhacay Itoobiya ee abnaqa ku dhisnaa ee sanadkii tegey.

Wuxuu sheegay inay weli baxsad yihiin 1600 eedaysane oo ku lug leh dilal iyo waxyeello ay gaysteen oo ku kala sugan maamullada Benishagul-Gumuz, Amhara, Oromia, Somali, South Nations, Nationalities and Peoples Region (SNNPR).

Haddii lasii jejebiyo waxaa la aaminsan yahay in 827 ka tirsani ay ku dhuumaalaysanayaan gobolka Benishangul-Gumuz, 655 gobolka SNNPR, 50 dhanka gobolka Amhara, 4 Tigray jirta, 33 ku sugan gobolka Soomaalida iyo 9 lagu sheegay Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in Federaalka Booliisku ay tahli waayeen inay daba galaan eedayanayaasha iskaashi xumada gobollada darteed, kuwaasoo si ula kac ah u qarinaya eedaysanayaasha la raadinayo.

Berhanu ayaa arrintan sabab uga dhiga in madaxda dowlad-goboleedyada laftoodu ay lug ku leeyihiin fal-dembiyeedyada dhacay sidaa darteed ay ka baqayaan in raadku iyaga soo galo.

Arrintan ayaa muujinaysa inay xitaa Itoobiya dareemayso xanuunka federaalka cirqiga ku dhisan ee uu dalkaa ka sameeyay Meles Zenawi, oo sidoo kale hindisahan usoo waaridey dalka Somalia oo uu Federaalka qabyaaladaysani iminka ku hayo dhibaato xitaa halis ku haysa jiritaanka Somalia (existential threat).

Hadalsame Media