(Strasbourg) 30 Jan 2020 – Nigel Farage oo ah hoggaanka Xisbiga Brexit Party, isla markaana ka tirsan Xildhibaannada Midowga Yurub (MEPs), ayaa shalay sameeyay arrin ka horjeedda maamuuska Baarlamanka Yurub, kaddib markii ay xubnaha xisbigiisa iyo isaguba ay walfiyeen calanka Britain iyagoo ku jira Baarlamanka.
Guddoomiye Xigeenka Baarlamanka Mairead McGuinness ayaa deeto damisey mikrafoonka Md Farage, jeer uu jeedinayey khudbaddiisii ugu dambeysey kahor inta aanay Britain ka bixin Midowga Yurub.
Mr Farage ayaa yiri: ‘Waan ogahay inaad na tabaysaan. Waan ogahay inaan mamnuuci doontaan calamadeenna, balse waxaan idinku macalaamaynaynaa walfinta calankeenna, waxaana dhararaynaa inaan wada shaqayno…’
‘Naga dhig calamaha, haddii aad tegeysana horay usii qaado!’. ayay ku tiri Mairead McGuinness.
Yeelkeede, xubnaha xisbiga Brexit Party oo qaylinaya ayaa sii watay inay calanka dalkooda walfiyaan.
Britain ayaa lagu wadaa inay Midowga Yurub ka baxdo 11:00 fiidnimo, Jannaayo 31 2020 oo berri ku beegan.
Hadalsame Media