DAAWO: Booliiska & Dab-damiska Paris oo gacanta isula tegey! + Sawirro

0

(Paris) 30 Jan 2020 – Dagaal ayaa ka dhex qarxey Dab-damiska iyo Booliiska rabshadaha la dagaallama, jeer ay kuwa dambe la hardamayeen dibed baxyo lagaga horjeedo dowladda oo ka dhacay Paris.

Waxaa soo baxay muuqaallo la yaab leh oo lasoo dhigay internet-ka oo muujinaya labada dhinac oo ku hardamaya bartamaha magaalada Paris.

Waxaa sawirrada ka muuqda ciidama CRS (Jamhuuriga Amaanka) oo iyaga oo budad adeegsanaya uu dagaal qaraar dhex marayo iyaga iyo kuwa Dab-damiska, oo laftoodu dalbanayey in mushaharooyinka loo kordhiyo.

‘Dab-damisku mintid ayay ahaayeen, waxay xitaa mar isku dayeen inay dib u riixaan Booliiska,’ ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha.

Hadalsame Media