Cabdi Warsame oo markale Maraykanka ka dhigay arrin ”lama maqal ah!”

0

(Minneapolis, MIN) 30 Jan 2020 – Abdi Warsame oo taariikh ka dhigay dalka Maraykanka kaddib markii uu 2013 uu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto Golaha Magaalada Minneapolis City Council.

Wuxuu markale qabanayaa xil kale oo aanu abid Soomaali kale horay uga qaban halkaasi, isagoo maamuli doona Waaxda Guriyaynta oo ah Waax Dowladeed oo ku taalla Minnesota.

Hay’addan Guriyaynta ayaa u adeegta dad dhan 26,000 oo qof oo ka faa’iidaysta guryaha dadwaynaha, iyadoo 1/3 dadkaa ka mid ihi ay Soomaali yihiin.

Warsame ayaa markii uu shaqadan ka dalbanayey Minneapolis, wuxuu CV-giisa ku xusay waayihiisii London isagoo halkaa kusoo koray jeer uu ahaa qaxooti kasoo dalaabay Somalia.

“In la helo guryo kiradooda la goyn karo waa mid dhabbaha u xaartey inay qoykaygu furka faqriga tuuraan,” ayuu ku qoray.

“Waxay taasi na siisay madax bannaani maaliyadeed, xornimo, xasillooni iyo amaan aysan dad badani heli karin. Guryaha dadwaynaha waan ku baxsannay.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media