SAWIRRO: Ruushka oo Itoobiya siinaya gantaal ride casri ah (Danjiraha oo sheegay cidda ay kula dagaallayaan?)

0

(Moscow) 29 Jan 2020 – Ruushka ayaa dalka Itoobiya guddoonsiiyey gantaalaha riddada dheer ee loo yaqaan Pantsir-S1 kuwaasoo ay weliba Itoobiya heshay bishii Nofeembar, sida ay qortay wakaaladda Sputnik.

Danjiraha ayaa sheegay in ujeedka Itoobiya uu yahay tayaynta iyo casriyaynta ciidamada Itoobiya oo iminka kuwa ugu xooggan uguna ballaaran gobolka Geeska Afrika, sida uu sheegay Danjiruhu.

Danjiraha Itoobiya wuxuu yidhi “Ethiopia aad bay ugu farxi doontaa inay garab ka hesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,” sida lagu sheegay warbixinta Sputnik.

Danjiraha ayaa sheegay inay hubkan casriga ah u adeegsan doonaan la dagaallanka argagixisada iyo xag-jirnimada.

Dalalkan oo leh iskaashi soo jireen ah bishii Nofeembar ee sanadkii tegey, waxayna ka wada hadleen inay iska kaashadaan dhanka gaashaandhigga.

Waxaa lagu wadaa inay magaalada Addis Ababa kulan kale ku yeeshaan sanad kaddib, bisha Nofeembar 2020-ka, sida uu sheegay Alemayehu Tegenu, Danjiraha Itoobiya ee Ruushka.

AWOODDA GANTAALKANPantsir S-1 wuxuu mar qura duqayn karaa laba bartilmaameed, isagoo hal daqiiqo gudeheed duqayn kara 12 bartilmaameed.

Hannaankan ayaa masaafo ahaan gaari kara 20 KM, isagoo joog ahaan cirka wax ka dili kara 8 km, wuxuu sidoo kale duqayn karaa ciidamada dhulka.

Hadalsame Media