
(Wuhan) 29 Jan 2020 – Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka bartay magaalada Wuhan oo uu ku dhuftay fayruska coronavirus ayaa sheegay inay ku go’doonsan yihiin qolalka jaamacad ay halkaa ka dhigtaan.
Ardayda ayaa sheegay inay dareemayaan cabsi iyo kallinnimo, iyagoo DF Somalia ugu baaqay in kaalmo lala soo gaaro si ay uga tagaan magaaladan go’doonsan.
“Xaaladda Wuhan waa mid aad iyo aad u halis ah,” ayuu yiri Yassin Abdi Said, oo ka mid ah Soomaalida halkaa wax ka barata oo u warramay VOA-da.
“Magaaladu waa xiran tahay, dukaamadu inta badan waa xiran yihiin. Qof loo ogol yahay in uu boxo ama soo galo ma jiro, waayo Wuhan waa ubucda cudurkan.” ayuu yiri.
Wuxuu intaa raaciyey in aanu jirin adeeggii gaadiidka dadwaynaha sida tagaasida iyo basaska, isla markaana ay isbitaalladu buuxsamayaan.
Redwan Mohamed Nur, 22 jir, oo xisaabiye barta ayaa isna sheegay inuu 5 maalmood oo xiriir ah ku go’doonsan yahay qaybta jiifka ee jaamacaddiisa.
Wiil kale oo 23-jir ah oo la yiraahdo Abdulkadir Mohamed Abdi, oo China University of Geosciences ka dhigta culuunta oogada badda, gaar ahaan injineeriyadda batroolka ayaa isna sheegay inuu 5 maalin go’doonsan yahay, si uu iskaga ilaaliyo cudurkan halista ah ee aan dawada lahayn.
Guud ahaan 34 Soomaali ah, oo badankoodu arday ah ayaa ku go’doonsan gudaha jaamacadaha Wuhan, balse nasiib wanaag weli midkoodna cudurkan 100-ka qof diley ma haleelin.

Hadalsame Media