Sucuudiga oo jawaab rasmi ah ka bixiyey war kasoo baxay Israel

0

(Riyaad) 28 Jan 2020 – Wasiir Dibadeedka Saudi Arabia ayaa sheegay in aan dadka reer Israel lagu soo dhowayn doonin Boqortooyada Sucuudiga, maalin uun kaddib markii ay Dowladda Israel ay rasmiyan u fasaxday inay muwaadiniintoodu booqan karaan Sucuudiga, sida uu faafiyey CNN.

“Siyaasadeennu waa mid degsan. Wax xiriir ah lama lihin Israel dadka baasaboorkeeda haystana waqti xaadirkan ma iman karaan Sucuudiga,” ayuu yiri Faisal Bin Farhan.

Wasiir Gudeedka Israel ayaa Axaddii sheegay in dadka dalkiisu ay Sucuudiga booqan karaan — haddii la marti qaado ama uu Sucuudigu ogolaado — haddii ay u tegayaan ganacsi iwm.

“Marka laga heshiiyo arrintan Falastiin iyo Israel, waxaan qabaa in ku lug lahaanshaha Israel ee gobolku ay miiska saarnaan doonto,” ayuu raaciyay Faisal.

Hadalsame Media