RASMI: Christian Eriksen oo u wareegey kooxda Inter Milan

0

(Milano) 28 Jan 2020 – Inter Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxiixatay Christian Eriksen oo uga yimid Tottenham ilaa Nerazzurro.

Laacibkan reer Denmark ayaa shalay kasoo degey magaalada Milano si uu caafimaadka u maro kaddib 6 sanadood iyo bar oo uu ku qaatay magaalada London, isagoo muhim u ahaa Lilywhites oo Ajax kasoo qaadatay Agoosto 2013, isagoo fasalkii tegey Spurs ka caawiyey gaarista Champions League Final.

“Ma sugi karo inaan kooxda ku biiro, waana ku faraxsan ahay inaan noqday laacib INTER ah” ayuu ku yiri InterTV.

Inter ayaa Eriksen oo uu qandaraaskiisu dhici lahaa bisha Juun kusoo qaadatay €20m wuxuuna la joogayaa ilaa Juun 2024, isagoo sanadkii qaadan doona €8m.

Hadalsame Media