DEG DEG: Christian Eriksen oo iminka kasoo degey magaalada Milano + Sawirro & Muuqaal

0

(Milano) 27 Jan 2020 – Laacibka reer Denmark ee Christian Eriksen ayaa goor dhowayd soo caga dhigtay gegada Milano ee Linate Airport.

Kubad qaabeeyahan oo dayuurad khaas ah kasoo qaatay magaalada London ayaa saaka u yimi inuu caafimaadka u maro kooxda Inter.

Laacibkan khadka dhexe ee reer Danish ayaa wejiga 1-aad ee imtixaanka caafimaad ku maraya Humanitas di Rozzano oo ka shaqaysa fayaqabka ciyaaraha xilli qadada.

Waxaa marka ay wax kastaahi dhamaadaan lagu wadaa inuu Inter la galo qandaraas taxnaan doona ilaa xagaaga 2024-ka.

Taageerayaal badan oo reer Inter ah ayaa garoonka uga hor tegey, iyadoo Inter oo kulamadii dambe gaabinaysey ay u baahan tahay xoojin cusub.

Halkan hoose ka DAAWO….

Hadalsam Media