Maraykanka oo cayrin ku bilaabay shaqaalihii Turkiga ahaa ee saldhig uu ku leeyahay dalkaasi, ujeedka

0

(Adana) 21 Jan 2020 – Sharikad madani ah oo Maraykan ah oo qandaraas ku qaadata shaqaalaha Turkiga ah ee ka shaqeeya saldhigga cireed ee İncirlik Air Base, ee ku yaalla koonfurta Turkiga, gaar ahaan gobolka Adana ayaa shaqooyinkii ka cayriyay 890 qof.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Iskaashatada Turkish-ka ah ee Harb-İş labor, sharikaddan oo saldhigata gobolka Colorado lana yiraahdo Vectrus, ayaa 424 shaqaale ah mar qura ku wargeliyey in qandaraasyadooda la kansalayo 20-ka Jannaayo 2020 oo shalay ku beegnayd, taasoo ay iskaashatadu ku tilmaantay mid “cadaalad darro ah.”

“32 ka mid ah dadka la eryey waa haween, halka 392 kale ay rag yihiin. Annagu, ka Turkish ka iskaashatada Harb-İş ahaan, waxaan u sheegnay inaysan anshax ahayn qaabka shaqaalaha loo eryayo,” ayuu yiri madaxa iskaashatada ugu qaybsan gobolka Adana, Erdal Akalın, oo arrintan ku sheegay “mid aan gebi ahaanba la aqbali karin oo lagula tumanayo xuquuqaha shaqaalaha.”

Akalın ayaa intaa raacshey in dhaqaaqani uu qayb ka yahay qorshe la tuhunsan yahay inuu Maraykanku doonayo inuu ciidamadiisa kagala boxo dalalka Iraq, Syria iyo Turkey.

Saldhiggan oo ku yaalla meel 110 km u jirta xadka Suuriya, İncirlik Air Base, wuxuu ahaa saldhig istaraatiji u ahaa Maraykanka tan iyo markii la dhisay 1954-kii, isagoo door laxaad leh kasoo qaatay Dagaalkii Qaboobaa, midkii koowaad ee Khaliijka ee 1990-1991 iyo la dagaallanka Daacishta ku sugan Syria iyo Iraq.

Hadalsame Media