Sucuudiga & Qadar oo muddo kaddib isku moowqif ka noqday arrin ku saabsan Somalia

0

(Muqdisho) 19 Jan 2020 – Wasaarad Dibadeedka Sucuudiga ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii argagixiso ee shalay lagu qaaday isbaaro wax lagu baaro oo ku taalla Afgooye.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay ciidamo ka tirsan Booliiska Somalia iyo qandaraas qaatayaal iyo injineerro Turki ah oo dhisayey jidka isku xira Xamar iyo Afgooye.

Sucuudiga ayaa sheegay inay si aad u diiddan yihiin nooc kasta oo xag-jirnimo ah, iyagoo sidoo kale u duceeyay dhibanayaashii weerarkaasi oo ay u rajeeyeen boogo dhay deg deg ah.

Dalka Qadar ayaa isna si kulul u cambaareeyay weerarkan oo ay ku dhaleeceeyeen war ay soo mariyeen Wasaarad Dibadeedka dalkaasi.

Qadar ayaa sheegtay inay khaldan tahay in cunfi iyo xag-jirnimo noocan ah la adeegsado, ujeeddo iyo sabab kasta oo ka dambaysa. Waxay u duceeyeen dhaawaca.

Sucuudiga iyo Qadar oo ka mid ah dalalka lagu eedeeyo inay taageeraan ama ugu yaraan taageeri jireen kooxaha xag-jirka ah, ayay tani tahay mararka naadirka ah ee ay hal arrin isku moowqif ka noqdaan, ugu yaraan dusha sare, tan iyo markii ay isku dheceen.

DF Somalia ayaan ilaa haatan la imanin tillaabooyin wax ku ool ah oo dhanka amaanka ah, si wax lagaga qabto weerarkan lagu kharbudayo danta umadda, balse aan lahayn ujeeddo iyo aragti fog oo la fahmi karo.

Hadalsame Media