Nin lala xiriirinayo iibsiga AC Milan oo noqday ninka dunida ugu taajirsan!

0

(Paris) 18 Jan 2020 – Bernard Arnault oo ah ninka lala xiriirinayo kooxda AC Milan ayaa noqday ninka ugu caalamka ugu taajirsan: ninkan oo iska leh Louis Vuitton, ayaa ka sare maray Bezos

Bernard Arnault oo Faransiiska u dhashay, ayaa iska leh adduun dhan $ 117 bilyan oo doollar, halka Jeff Bezos, milkiilaha Amazon, uu leeyahay $ 115.6 bilyan oo doollar, kaddib markii ay Amazon ku dhacday khasaare dhan 0.7%, sida lagu qoray Forbes.

Waxaa sharikaadka uu kaligii leeyahay ka mid ah  Christian Dior, Bulgari, DKNY, Fendi, Céline, Guerlain, Givenchy, Kenzo, Loro Piana iyo Louis Vuitton; sidoo kale saacadda TAG Heuer; dhanka waxyaabaha la isku qurxiyo sida Tiffany & Co .; dhanka sharaabka Moët & Chandon, Veuve Clicquot, Hennessy; dhanka daabacaadda Les Échos iyo warqaadka Le Parisien; dhanka suuqyada iyo silsiladaha makhaayadaha Sephora iyo Le Bon Marché.

Bernard Arnault, ayaa la sheegay in wixii ka dambeeyay bishii Diseembar uu xitaa 7 bilyan ka taajirsan yahay milkiilaha Microsoft ee Bill Gates, oo ku jira kaalinta 3-aad, kaasoo kaalinta 1-aad ku jiri lahaa haddii aanu sadaqayn lahayn $ 35.8 bilyan oo doollar oo hantidiisa ka mid ah.

Hadalsame Media