(Gothenburg) 18 Jan 2020 – Waxaa xalay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ku qabsoomay kulan ay iskugu yimaadeen waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada iyo hareereheeda, kuwaasoo ka arrinsanayey sidii wax lagaga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta qoysas badan oo magaaladan ku dhaqan, sida dhallinyarada is laynaysa ama la dilayo, kuwa carruurta laga qaadanayo iyo dhibaatooyin kale.
Maxamed Ibraahim oo ka mid ah dadka leh hindisaha kulankan waalidiintu iskugu yimaaddeen, ayaan waydiiyay sababta ku dhalisay iyo fikradda ka dambaysa agaasinka shir noocan ah.
Sidoo kale, Yoonis Khaliif oo Guddoon ka ah urur ka shaqeeysa Dhaqanka, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa isna BBC-da u sheegay inay xaafadda Bergjön oo ka mid ah kuwa ay ku badan yihiin dadka danyarta ah, gaar ahaan Soomaalida ka hirgeliyeen hindise ay si dadban ugula dagaallamayaan dembiyadan kusoo badanaya sida inay dhallinta ku mashquuliyaan ciyaaraha iyo inay waalidiintu xaafadda habeenkii gaaf wareegaan oo roondo sameeyaan.
Waxaa warbixinta BBC u diyaariyey Maxamed Xaaji.
Hadalsame Media