Giriigga oo Turkiga kula xafiiltamaya Libya (Ciidamo uu halkaa u dirayo & kulan uu la yeeshay Jen. Xaftar)

0

(Athens) 17 Jan 2020 – Maalmo yar uun kaddib markii uu Turkigu ku gooddiyey inuu “cashar bari doono” hoggaamiye kooxeedka Libya ee Jen. Khaliif Xaftar, dalka Giriigga – oo aysan Ankara is jeclayn – ayaa sheegay inuu “xoogaa ciidamo ah,” gayn karo dalkaasi si ay u “indha indheeyaan xabbad joojinta iyo calooshood u shaqaystayaasha halkaa ka dirira.”

Nikos Dendias, Wasiir Dibadeedka Giriigga, oo wada hadal dheer la galay Jen. Khaliifa Xaftar, oo booqasho gaaban ku tegey Athens kahor shirka nabadeed ee Libya ee Berlin lagu qabanayo ayaa arrintan ka dhawaajiyay.

Diblomaasi sare ayaa Xaftar u sheegay in ay Giriiggu halkaa u diri karaan ciidamo “eega xabbad joojinta u dhaxaysa“ Ciidamada LNA ee Xaftar iyo kuwa Dowladda la aqoonsan yahay ee Tripoli fadhida ee GNA.

Ankara ayaa horraanba ciidamo u dirtay dalkaasi, si ay u taageeraan dowladda caalamku taageersan yahay ee GNA, iyadoo uu MW Recep Tayyip Erdogan wacad ku maray inuu “cashar bari doono dowlad diidka Xaftar, haddii aanu joojinin weerarka uu ku yahay Dowladda Libya.

Dalal badan oo Carab iyo reer Galbeedba leh ayaase Ankara ku colaadinaya arrintan, iyadoo tillaabada Turkiga u arka mid isballaarin ah.

Turkiga ayaa sanado badan soo gumaysanayey dalka Giriigga, iyadoo ay cuqdad badani dhex taallo labada dal.

Hadalsame Media