(Dhuusamareeb) 17 Jan 2020 – Baarlamaanka Galmudug ayaa iminka doortay Guddoomiye cusub oo uu yeelanayo Baarlamaanka Labaad ee maamulka Galmudug ee Somalia.
Waxaa xilka isu soo taagey labada tartame ee kala ah Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cismaan, waxaa lagu kala baxay wareegga 1-aad oo uu ku guuleystay Dr. Maxamed Nuur Gacal.
Sida uu sheegay Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka Galmudug oo si rasmi ah u shaaciyey codadka lakala helay, waxaa loo kala helay sidatan:
- Dr. Maxamed Nur Gacal 54 cod
- Cabdinasir Aaden Cismaan 34 cod
Waxaana hallaabay ama xumaaday hal cod oo aan loo bixinin si waafaqsan hab-raaca doorashada.
Waxaa harsan doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Hadalsame Media