DAAWO: ”Ujeedka DP World waa inay qabsato dekedaha gobolka kaddibna cuuryaamiso” – Jabuuti

0

(Jabuuti) 17 Jan 2020 – Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay dacwo ay kusoo oogtey hay’adda DP World ee dalka Imaaraadka oo ay horay saami uga siiyeen dekedooda kaddibna dalka ka eryeen.

Haddaba Maareeyaha Dekedaha iyo Aagga Canshuuraha ka Caaggan ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Xaddi, ayaa arrintan ka hadlay.

”Horta wax DP World la yiraahdo oo ay Jabuuti qandaraas la gashay ma jirto, Jabuuti waxay qandaraas la gashay Dooraale Container Terminal (DCT) taasoo DP World la gashay qandaraas ay ku heshay saami aad u yar.” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in DP World ay khasabtay inay Dowladdu jebiso ama fasaqdo qandaraaskaasi, kaddib markii ay heshiiska kusoo dareen qodob dhigaya in 50 sanadood aan wax deked iyo aag canshuur ka caaggan ah laga dhisi karin xeebaha Jabuuti, ilaa iyaga ogolaansho laga helo mooyee.

”Dowladda Jabuuti dowlado waawayn ayay xornimo ka qaadatay, marka Jabuuti iyo shacabkeedu ogolaan mayso inay shirkadi dib u qabsato,” ayuu raaciyay.

Xaddi ayaa sheegay in maadaama heshiiska la fasaqay ay DP World xaq u leedahay magdhow lacag ah, balse aanay doonaynin ee ay leeyihiin ujeeddo kale.

”Ujeedka DP World waa inay qabsadaan dekedaha gobolka oo ay horumarka ka hor istaagaan, si aanay kuwooda ula tartamin,” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media