(Tehraan) 16 Jan 2020 – Xilli ay reer Iiraan ku dibed baxayaan dowladda dalkaasi oo qiratay inay khalad u riddey dayuurad rakaab ah oo rayid saarnaa, ayaa waxaa la arkay weriye ka tirsan CNN oo dibed baxayaashii u yeerinaya inay ku qayliyaan “Maraykanku ha dhinto!”
Weriyahan ayaa goobta mudaaharaadka yimid, balse wuxuu duwey ujeedkii mudaaharaadka, kaddib markii uu arkay inay dadku ku qaylinayaan “Kali talisku ha dhocor!” iyagoo eedaynayey dowladdooda diyaaradda riddey.
“Fadlan asxaabay, ku qayliya ”Maraykanku ha dhinto”, muddo dhowr daqiiqo ah si aan idiinkaga duubo!” ayuu weriyuhu shacabkii u sheegayaa.
Weriyaha ayaa ogaadey inuu warkiisu ku dhacayo dhego layr u daloola, waana markaa goorta uu bilaabay inuu laftiisu ku qayliyo halku dhegga.
“Kaalaya, dadoow! Maraykanku ha dhinto! Maraykanku ha dhinto! Maraykanku ha dhinto! Marka aan iraahdo idinkuna iga daba dhaha ”Maraykanku ha dhinto!!’
Kaddib waxaa dhankiisa usoo dhacday kob ay soo tuureen dadkii dibed baxayey, wuxuuna ka wareegey goobtii.
Ma aha markii ugu horreeysey ee saxaafadda reer Galbeedka lagu eedeeyo inaysan kaliya ahayn war sheegayaal, balse ay sidoo kale sameeyaan waxa ay rabaan inay sheegaan.
Hadalsame Media