Xukuumaddii Ruushka oo mar qura kala dareertay (Putin oo qorshe cusub keenay)

0

(Moscow) 16 Jan 2020 – Siduba si ka darane, wax loo maleeynayay khudbad caadi ah oo qaranka loo jeedinayo ayaa noqotay daraama siyaasadeed midkii ugu darnaa dalkaasi Ruushka.

Arrintan oo uu ka shaqeeyay MW Ruushanka ee Vladimir Putin ayaa keentay inay mar qura is wada casisho xukuumaddii Ruushanka ee uu RW ka ahaa Dmitry Medvedev.

Vladimir Putin ayaa dadwaynaha u sheegay inaanu isa soo taagi doonin wixii ka dambeeya muddo xileedka iminka, isagoo RW ahaan usoo jeediyey Mikhail Mishustin.

Mishustin ayaa ah nin aan sidaa looga aqoonin wax ka baxsan fagaarayaasha maxalliga ah ee siyaasadda Ruushanka, xitaa boggiisa Wikipedia ma laha qayb Ingiriisi ah.

Medvedev oo RW noqday kaddib 4 sano oo uu MW maqaar saar ah ahaa, ayaa sharracay in ay dhaqan geliyeen Xeerka 117-aad ee Dastuurka Ruushka, kaasoo dhigaya inay xukuumaddu is casili karto, kaddibna uu MW diidi karo ama aqbali karo.

Putin ayaa se la sheegay inuu isbedel ku samaynayo Dastuurka Ruushka si uu awoodo badan uga sii xayuubiyo RW cusub, isagoo taabanaya awoodaha fulinta, sharci dejinta iyo garsoorkaba, sida uu sheegay Medvedev oo ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee United Russia Party, oo iminka loo wado xilka Guddoomiye Xigeenka Golaha Amaanka Ruushka.

Hadalsame Media