(Ankara) 16 Jan 2020 – Turkiga ayaa bilaabay inuu dibedda u iib geeyo matoor diyaaradeed oo uu isagu sameeyo midkii ugu horreeyay, kaasoo ay ku fara yaraysatay hay’adda wax soo saarka cirka ee Turkish Aerospace Industries (TAI).
Matoorkan oo ah nooca PD170 ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda TAI iyo wax soo saarka qalabka difaaca ee SSCB, waxaana mashruucan la bilaabay 2012-kii.
Matoorkan oo ay awooddiisu la egtahay 170 faras ayaa waxaa uu ku shaqeeyaa nafto, waxaana bilowgii loo adeegsadey daroonka is wada ee ANKA oo ay samayso isla TAI oo kaashanaysa MALE (Medium Altitude Long Endurance).
Sambalka matoorkan ayaa lasoo bandhigay 2017-kii, waxaana dabeeto lagu sameeyay dhowr tijaabo oo xiriir ahaa oo lagu sameeyay duullimaadyada dayuuradda ANKA.
Guddoonka SSB, İsmail Demir, oo xafladdii daah-furka ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay inay haatan ku guulaysteen matoor ay qaadanayso dayuuradda qumaatiga u kaca oo ah TS1400.
Hadalsame Media