Kenya oo halis caafimaad ka sheegtay Ayaxii ay Soomaalidu ka dheregtey! (Waa maxay?)

0

(Nairobi) 16 Jan 2020 – Wasaaradda Beeraha ee Kenya ayaa dadkeeda uga digtey inay cunaan Ayaxa halkaa kusoo duuley, iyadoo Ayaxa caadiyan laga cuno galbeedka Kenya.

Dowladda Kenya ayaan se u guuxin aragtida ah in ayaxan duullaanka ah dawadiisa laga dhigo inay dadku cunaan.

“Ayaxan oo idil cunis laguma dhamayn karo, waayo halkii rac wuxuu ka kooban yahay 40 milyan oo cayayaan ah,” ayuu yiri Dr Stephen Njoka, oo ah Maareeyaha Xakamaynta Ayaxa Lama Degaanka ee Bariga Afrika.

Waxay kaloo ka digeen dhanka caafimaadka iyagoo sheegay inay dadku cuni karaan Ayax horay loosoo buufiyay oo sumaysan.

Ayaxa oo Kenya uga yimid dhanka Somalia iyo Itoobiya, ayaa waxaa ilaa haatan lagu arkay ilaa 8 ismaamul oo ay ka mid yihiin Meru, Isiolo iyo Samburu.

Meelo ka tirsan Somalia ayaa horay looga cunay Ayaxa, iyadoo aanay jirin cid uga digtey dadwaynaha halistan ay Kenya ka dhawaajinayso.

Hadalsame Media