(Addis Ababa) 16 Jan 2020 – Ethiopian Airlines ayaa dabayaaqada sanadkan bilaabaysa dhismaha garoon ku kacaya $5 bilyan oo doollar, sida laga soo xigtey Agaasimaha Fulinta.
EA ayaa ballaarinaysa garoonkeeda oo haatan aad usii mashquulaya oo iminka ku fadhiya 35 KM oo jibbaaran oo ka tirsan Addis Ababa.
Garoonka cusub ayaa laga dhisayaa Bishoftu, oo ah magaalo yar oo 39 km koonfur bari ka xigta caasimadda, waxaana ujeedku yahay inuu sanad kasta qaado 100 milyan oo rakaab ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ENA oo xiganaysa Tewolde Gebremariam.
“Bole Airport naguma filna, waxaan wadna mashruuc ballaarin ah, garoonku waa qurxoon yahay, balse marka la eego koritaankeenna 3-4 sano kaddib naguma fillaan doono,” ayuu yiri Tewolde.
Bole International Airport oo ku yaalla Addis Ababa ayaa haatan weeleeya 19 milyan oo rakaab ah sanadkiiba.
Tewolde ayaa sheegay in garoonkan cusubi uu xitaa ka kharash badnaan doono Biya Xireenka laga dhisayo webiga Niil oo ku kacaya $4 bilyan oo doollar, isagoo sheegay inay ka rakaab badnaan doonaan garoonka magaalada Dubai.
Ma aanu sheegin tafaasiil ku saabsan sida garoonkan loo dhisayo iyo cidda bixinaysa kharashaadka ku baxaya toona.
Yeelkeede, EA oo ku qalabaysan 116 dayuuradood ayaa faa’iidada saafiga ah ee ay heshay 2018/19 waxay ka sara martay $260 milyan oo doollar, iyadoo kasoo kacday $207.2 milyan oo doollar sanadkii 2018-kii.
Hadalsame Media