(Hargaysa) 16 Jan 2020 – Ardayda Dugsiga Abaarso ee maamulka Somaliland oo dhowr mar horay muran u dhaliyey ayaa waxaa kusoo noqnoqonaysa arrin markale dood abuurtay.
Ardayda dugsigaa dhigata oo wiilal iyo gabdhaba leh ayaa sawirro koox koox ah gala iyaga oo carrabka laalaadinaya, weliba si soo noqnoqota oo hujuumi ah.
Arrintan ayay dadwaynuhu aragtiyo kala duwan ka dhiibteen, waloow aan xukun gaar ah la iska tuuri karin, yeelkeede, halka arrin ee hubbani waa inay jirto sabab ku tala gal ah oo ka dambaysa arrintan, taasoo ay weliba wax ka ogyihiin maamulka dugsigaasi.
Caalamiyan arrintan carrab soo bixinta ayaa tacbiiro kala geddisan laga bixiyaa, dadka qaar ayaa ku tilmaama mid qofka samaynaya uu u baaqayo jinsiga kale, sida gabar wiil u baaqaysa ama taa caksigeeda, amaba xitaa wax iska caadi ah oo uu qofku iskaga samayn karo qaab baashaal ah. Halkan ka akhri.
Si kastaba, arrintan ayaan dadku u arkaynin wax iska caadi ah, maadaama ay mar qura samaynayaan arday hal dugsi dhigata iyo xitaa qaar ka mid ah maamulkooda oo mararka qaar la sawiran.
Arrinta Dugsigan ayaa dhowr mar oo hore waxaaa soo hadal qaaday weriye Coldoon oo ah gayfane bulsho.
Hadalsame Media