CABQARIYAD: Fatxiya Cabdullaahi, waa gabar yar oo IQTIRAACDAY robot dharka ku laallaabaya ilbiriqsiyo!!

0

(Hadalsame) 11 Jan 2020 – Fathia Abdullahi, oo ah gabar 12-jir ah oo u dhalatay dalka Nigeria, ayaa xal u heshay mid ka mid ah howlaha ugu caajiska badan guryaha, oo ah laallaabidda dhanka la feereeynayo.

Gabadhan ayaa hindistey robot otomaatig ah oo dharka ku laallaabaya wax ka yar 3 ilbiriqsi, si ay dadku howshan dhibka badan ugu kaashadaan.

“Waxaan mashiinkan u sameeyay inuu jiro dhar aad u fara badan oo la laallaabyo Sabtiyada iyo Axadaha oo dhar fara badan la dhaqo,” ayay cabqariyaddu u sheegtay Reuters.

Fathia ayaa howlaha coding-ka bilowday iyada oo 11-jir ah, sanad kaddibna waxay samaysay iqtiraacii ugu horreeyay, waxayna doonaysaa inay noqoto saynisyahan dhanka quudka ah, sida ay u sheegtay BBC.

Hadalsame Media