Maraykanka oo qirtay khasaare nafeed oo ku gaarey weerarkii Lamu & DF Somalia oo war kasoo saartay

0

(Lamu) 06 Jan 2020 – Somalia ayaa cambaaraysay weerarkii lagu qaaday ciidamo Kenyan iyo Maraykan ah oo ku sugan magaalo xeebeedka Lamu, iyadoo sheegtay in weerarrada noocan ihi aanay wiiqi doonin nabad ka islaaxda gobolka, sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia.

DF Somalia ayaa sheegtay in ay Shabaabku weerarkaa guuldarro culus kala kulmeen, kaddib markii ay iska caabiyeen ciidamadii joogey saldhigga Gacanka Manda Bay.

Si kastaba, Markanka ayaa xaqiijiyey in 3 qof looga diley weerarkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Shabaab.

War kasoo baxay Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in Maraykanka laga diley 1 askari iyo laba qandaraasle oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga, halka laba kale lagu dhaawacay, weerarkaasi oo lasoo qaaday 4-tii subaxnimo.

Hadalsame Media