(Tehraan) 06 Jan 2020 – MW Iiraan, Hassan Rouhani ayaa dhiggiisa Maraykanka ee Donald Trump ku tilmaamay ‘mid ay maskaxda wax uga dhiman yihiin’ kaddib markii uu Tehraan ugu gooddiyey cunaqabataynno cusub.
Rouhani ayaa sheegay in tillaabadaasi ay muujinayso in Maraykanku uu ka been sheegayo marka uu leeyahay ”waxaan doonaynaa wada hadal” iyo Washington aysan talo fara ku hayn.
Mar uu Ruuxaani ka hadlayay kulan ay yeesheen Golihiisa Wasiirradu ayuu sheegay in gooddinta cunaqabatayn cusubi ay tahay ‘doqonnimo la yaab leh’ isla markaana ay fashil ku dhamaanayso maadaama aanu Ayatollah Khamenei – oo ka mid ah bartilmaameedkeedu – aanu hanti kuba lahayn dibedda Iiraan.
Hadalsame Media