(Muqdisho) 05 Jan 2020 – Macallin jaamacadeed ayaa maalin dhowayd lagu helay dembi ah inuu muddo sanado ah uu si qarsoodi ah ula shaqaynayay kooxda Shabaab.
Maxkamad millateri oo Muqdisho ku taalla ayaa Mohamed Haji Ahmed dil toogasho ah ku xukuntay, iyadoo lagu helay dilka ama ku lug lahaanta 180 qofood oo la khaarajiyey.
“Waxaan ahaa madaxa howlgallada magaalada. Ma jirto shaqo ka dhib badan inaad qof wax u dirto, adigoo ka fikirey wixii ku dhacay…Miyaa la diley?” ayuu yiri isagoo aanu shallaay ka muuqanin, isla markaana sheegaya inuu sidoo kale u xil saarnaa inuu woco idaacadda Andalus ee kooxdan si ay mas’uuliyadda u sheegtaan.
Axmed oo ahaa 27-jir aqoonsiyo kala duwan adeegsan jirey si aanu ugu gacan gelin hay’aadka amaanka, ayaa lagu helay inuu gacantiisa ku diley rag badan oo uu ka mid yahay Jeneraal Ismail Ahmed Osman oo la khaarajiyey Oktoobar 28, 2016-kii.
Waxaa ashqaraar leh in Axmed uu ku noolaan jirey guriga Jeneraalka oo uu aabihii ku sallimay si uu u caawiyo wiilkiisa, xilligii uu Marka ka dhiganayey dugsiga sare.
”Wuxuu gooyey gacantii gargaaraysey oo quudinaysey” ayuu yiri Buulle.
Dacwad Oogaha Maxkamadda Ciidamada, Abdullahi Buulle ayaa Axmed ku tilmaamay “dilaa naxariis daran oo wax ma reebe ah.”
Axmed ayaa la sheegay inuu xitaa aabihii khaarajin lahaa, balse uu u dhaafay oo qura in uu soo daayo haddii lacalla lagu qabto dembiyada waawayn ee u gaysanayo, sida uu sheegay Buulle.
Waxaa haatan la helay sawirrada macallinkan dilaaga ah, xilliyadii uu wax u dhigayey arday khabar daar ahayd oo uu macallin wanaagsan mar ugu muuqdey.
In the classroom: Photos of the well-educated, college English teacher convicted this week for leading Al-Shabaab operations in Mogadishu for several year. He was doing his Masters at a Mogadishu university when finnaly arrested in May last year https://t.co/dXEafPfcsq pic.twitter.com/pEIJEXOLnj
— Harun Maruf (@HarunMaruf) January 4, 2020
Hadalsame Media