(Washington, DC) 05 Jan 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa markale cadaadis saaray dalka Iiraan, isagoo ku gooddiyey inuuu duqayn doono 52 bartilmaameed oo dalkaa ah, weliba si xooggan oo xawaare badan haddii ay aarsi isku dayaan.
Trump oo tweet-yo badan sameeyay ayaa sheegay in Iiraan ay Jen. Qassem Soleimani u adeegsanayeen inuu waxyeelleeyo danaha Maraykanka, isagoo sheegay in 52-da bartilmaameed ay u taagan yihiin 52 qof oo ay Iiraan Maraykanka ka qabsatay 1979-kii, isagoo sheegay inay Maraykanku 2 tarilyan ku iibsadeen agab millateri ayna soo dirayaan haddii loo baahdo.
Trump ayaa soo tweet gareeyay: “Iiraan waxay si geedinnimo leh uga hadlaysaa inay Maraykanka weerarayso aarsi ahaan. Waxaan se weerari doonnaa bartilmaameedyo heer sare ah oo muhim ah u ah.”
Trump ayaa Qaasim Sulaymaani oo uu ku digtey ku eedeeyay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad.
The United States just spent Two Trillion Dollars on Military Equipment. We are the biggest and by far the BEST in the World! If Iran attacks an American Base, or any American, we will be sending some of that brand new beautiful equipment their way…and without hesitation!
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) January 5, 2020
Hadalsame Media