(Ankara) 05 Jan 2020 – Turkiga ayaa si rasmi ah u bilaabay inuu dalka Libya u daabulo ciidamo halkaa u tegaya “iskaashi iyo xasilin,” sida uu sheegay Recep Tayyip Erdogan kaddib codayntii Baarlamanka dalkaasi.
Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay Libya ka samaysan doonto xarun howlgal, taasoo loo fahmayo saldhig ciidan oo ay Turkigu halkaa ku yeeshaan.
Ciidamada Turkiga oo ku raran dayuurado iyo maraakiib ayaa la sheegayaa inay haatan durba u ruqaansadeen dhanka Tripoli, balse lama oga xadka uu la ekaan karo howlgalka Turkiga oo ku yimid heshiis dhex maray labada dowladood.
Warar hoose ayaa sheegaya inuu Turkigu halkaa gayn doono ciidan xooggan oo cir, dhul iyo badba ah, kuwaasoo ku qalabaysan dayuurado, maraakiib iyo gujisyo.
Hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar oo ay taageeraan dalalka Khaliijka qaarkood iyo kuwo reer Galbeed ah, ayaa ku gooddiyey inuu ”jihaad” ku qaadi doono ciidamada Turkiga isagoo adeegsadey beer laxowsi Carbeed.
Hadalsame Media