DAAWO: Rwanda oo durba u aayday Dayax-gamceed ay hawada u dirtay sanadkii hore (Muxuu ka caawiyey?)

0

(Lake Kivu) 05 Jan 2020 – Rwanda ayaa cirka u gantey satellite la yiraahdo Icyerekezo, kaasoo loogu tala galay inuu xiriirka internet-ka gaarsiiyo ardayda ku nool jasiiradda Nkombo Island, ee harada Lake Kivu.

Rwanda ayaa doonaysa inay dalkeeda ka haqab tirto adeegyada internet-ka oo casrigan muhim u ah ku dhowaad maalmeed kasta iyo horumar la sameeyo.

Satellite-kan oo ay magaca Icyerekezo u bixiyeen isla ardayga jasiiradda Nkombo Island ee ku taalla miyiga Rwanda gaar ahaan Lake Kivu ayaa waxa laga ganey dalka French Guiana iyadoo ay iska kaashadeen hay’adda reer UK ee OneWeb iyo Dowladda Rwanda.

Ujeedku waxay ahayd in ay internet ku filan helaan dadka deggan dhulalka fog fog, gaar ahaan iskuullada Rwanda oo dib u habayn heer qaran ah lagu sameeyay.

Dayax-gacmeedkan oo la ganay 26-kii Febraayo sanadkii tegey, ayaa durba keenay natiijo aad u wanaagsan iyadoo ay u aayeen ardayda dugsiyada miyiga iyo meelaha fog ee Rwanda.

Rwanda ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee meesha sare higsanaya, iyadoo amba qaadday mashaariic horumarineed oo nooc kasta ah.

Waxaa qorsheheeda ka mid ah samaysiga tamarta nukliyeerka si koronto rakhiis ah looga dhaliyo.

Hadalsame Media