WAR CUSUB: Iiraan oo calaamaysatay DUQAYNTA 35 bartilmaameed & Israel oo ku jirta!

0

(Tehraan) 04 Jan 2020 – Iiraan ayaa sheegtay inay weerarro aar gudasho ah ku qaadayso ilaa 35 bartilmaameed iyadoo ka duulaysa dilkii Sarreeye Guud, Qassem Soleimani, sida uu sheegay Taliye Sare oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga ee IRGC.

“Waxaa mar horeba noo calaamaysnaa bartilmaameedyo muhim ah oo uu gobolka ku leeyahay Maraykanku,” ayuu yiri Jeneraal Gholamali Abuhamzeh, oo hoggaamiya Ciidamada IRGC ka jooga Gobolka Koonfurta ah ee Kerman oo la hadlayey Tasnim News Agency.

Bartilmaameedka waxaa loo badinayaa inay ka mid yihiin maraakiibta dagaal ee Maraykanka iyo magaalada Tel Aviv.

Yeelkeede, taliyuhu ma carrabaabin bartilmaameed gaar ah, balse wuxuu ka dhawaajiyay inay maraakiibta ciidamada Maraykanku ay ku sugan yihiin Marinka Hormuus oo isku xira Gacanka Beershiya iyo Gacanka Cumaan iyo Badwaynta Hindiya.

Arrinta ayaa cirka ku shareeran iyadoo xalay la weeraray Mandiqadda Cagaaran ee magaalada Baqdaad iyo saldhig cireed ay leeyihiin Maraykanku.

Hadalsame Media