Saldhig Maraykanku Baqdaad ku leeyahay oo la duqeeyay

0

(Baqdaad) 04 Jan 2020 – Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Cirka Ciraaq oo la yiraahdo Balad Air Base, oo ay haatan deggan yihiin ciidamada Maraykanka ayaa weerar madaafiic ah lagu qaaday.

Ugu yaraan ilaa 3 gantaal ayaa la sheegay inay ku qarxeen bartamaha saldhigga, waloow aan wax geeri ah lasoo sheegin.

Saldhiggani wuxuu Baqdaad u jiraa 60 KM (ilaa 40 mayl), waxaana lagu hoobiyey dhowr gantaal, sida ay qorayso Reuters oo soo xigatey ilo amaan.

Yeelkeede, waxaa la sheegay inuu jiro burbur hantiyeed, waxaana weerarkan kasii horreeyay madaafiic kale oo lagu garaacay Aagga Cagaaran ee aadka loo ilaaliyo.

Madaafiida midkood ama laba ayaa waxay ku dheceen meel aad ugu dhow Safaaradda Maraykanka ee Baqdaad, iyadoo dadka Maraykanka u dhashay laga codsaday inay deg deg uga baxaan Ciraaq.

Ilaa hadda lama bar garan haybta cidda soo gantey iyo cidda ka dambayn karta gantaalahan.

Hadalsame Media