(Baqdaad) 03 Jan 2020 – RW Ciraaq ee KMG ah Caadil Cabdul Mahdi, ayaa cambaareeyay khaarajinta Taliyihii Iiraaniga ahaa ee Qaasim Sulaymaani oo xalay lagu duqeeyay Baqdaad, oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax banaannida dalkiisa.
Sulaymaani oo ahaa hoggaamiyaha Ciidamada Qudus oo ah kuwa ugu fiican Ilaalada Jamhuuriga Iiraan, ayaa waxaa lala khaarajiyay Mahdi Al Muhandis oo ahaa Taliye Xigeenkii malliishiyada Shiicadaha ee PMF, taasoo ay Iiraan taageerto, Maraykankuna ku eedaynayo inay u adeegsanaysay qaab wakaalad ah.
RW Adil Abdul Mahdi, oo arrintan war kasoo saaray ayaa lahjad adag ku sheegay in weerarka Maraykanku uu yahay “Xadgudub anshax xumo ah oo ka dhan ah madax bannaanida Ciraaq” iyo aflagaaddo lagu dhigay sharafta dalkiisa.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu Maraykanku ku tuntay tibxaha heshiiska uu Maraykanku ku joogo Ciraaq oo ahaa tababarka Ciidamada Ciraaq iyo la dagaallanka argagixisada Daacish.
Wuxuu saadaaliyay in dilkani uu horseedi karo inay kasii darto xaaladda gobolku taasoo dhali karta “dagaal wax baabi’iya oo ka curta Ciraaq” kuna faafa gobolka.
Dowladda Ciraaq ayaa Baarlamanka dalkaasi ugu yeertey kulan deg deg ah, si looga arrinsado tillaabada iyo jawaabta ku habboon ee arrintan.
Hadalsame Media